Maraykanka oo Wadahadal ugu baaqay Hogaamiyaasha Soomaalida

Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Qaraamda Midoobay  Richard Mills, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Mr Richard Mills oo khudbad ka jeediyay shirka Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay xal deg deg ah ka gaaraan arrimaha doorashooyinka kana Shaqeeyaan Nabadda iyo Xasiloonida waddanka

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in shaqaaqooyinkii ka dhacay 19-kii Bishaan Muqdisho ay horseedi karto halis kale iyo in wadanka hubinti la’aan kale,taasina uusan aqbaleyn Mareykanka.

Sidoo kale waxaa uu Golaha ka sheegay in 3 ka mid ah Amiirada Alshabaab lagu soo daro Liiska Qaramada Midoobay Xubnaha Argagixisada ka Tirsan ee cunuqabateynta la saaray xubnahaas oo kla ah  Abuukar Cali Aadan, Macalin Ayman iyo Mahad Karate.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com