Maraykanka oo u Hanjabay dhinacyada isku khilaafsan siyaasaa Soomaaliya

Mareykanka ayaa shaaciyay  in uu ka walaacsan yahay isku dhacyadii maalin ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dawlada Mareykanka  ugu baaqday dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya inay is xakameeyaan oo ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan oo ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda. Wadahadal iyo is afgarad waa dariiqooyinka kaliya ee lagu xalin karo caqabadaha doorashada, waxaana ku boorineynaa dhinacyada in ay mar kale dib u bilaabaan wadahadalada, si loo gaaro doorasho deg deg ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka  ka soo baxay Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu cunaqabateyn iyo xayiraad dhanka fiisaha saaro cid kasta oo loo arko in ay curyaaminayso dadaalada nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

“Mareykanka ayaa sheegay in uu  diyaar u yahay inuu tixgaliyo dhamaan wadiiqooyiinka ay ka mid yihiin  cunaqabateynta iyo xaddidaadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaarada Arimaha dibada  Mareykanka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com