Maraykanka oo taageeray Go’aanka Midowga Afrika uu kaga horyimid muddo kordhinta

Maraykanka, ayaa taageertay go’aankii Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika uu kaga horyimid muddo kordhinta loo sameeyay Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal  ka soo baxay xafiiska Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika, ayaa lagu taageeray go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika uu ku cambaareeyay mudda kordhinta dowladda Federaalka.

 “Waxaan taageersannahay go’aankii Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay muddo kordhinta ay toddobaadkii hore ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

Sidoo kale, Maraykanku wuxu soo dhoweeyay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika doonayo in uu ka dhex bilaabo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, si heshiis looga gaaro xaaladda cakiran ee doorashooyinka dalka.

Waan soo dhaweynaynaa dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxaan ku boorineynaa Madaxda Soomalida inay heshiis degdeg ah ka gaaraan khilaafka doorashada” ayuu sii raaciyay Qoraalka.

Go’aankaan ka soo baxay Maraykanka ayaa ku soo aadaya xilli Dawlada Soomaaliya ay filaysay in lagu taageero qorshaheeda muddo kordhinta taas oo keentay in dawladaha taageera soomaaliya ay ka soo horjeestaan.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com