Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay go’aanka madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle ay kaga soo horjeesteen muddo korodhsiga, ayna taageereen heshiiskii 17-kii September.
War kooban oo lagu qoray barta twitter-ka ee safaaradda Maraykanka ayaa loogu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu aqbalo jidka cad ee wada-hadalka iyo nabadda, sida lagu sheegay farriintaas.
Sidoo kale Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa isagana qoraal uu ku dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku ammaanay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Maamullada Galmudug iyo Hirshabeele ee la xiriirta qabshada in doorasho wadar oggol ah ay Dalka Soomaaliya ka dhacdo.
Berlanga ayaa sheegay in gacan ka hadal uusan meel uga bannaanayn Soomaaliya, jidka keliya ee bannaana uu yahay wadahadal ayuu yiri Nicklas Berlanga.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com