Maraykanka oo ku baaqay in la tirtiro Hindise sharciyeedka muddo kordhinta

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa loogu  baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya  inay si deg deg ah uga howl-galaan baabi’inta hindise sharciyeedkii muddo kordhinta ee 12 April.

Sidoo ale Dawlada Mareykanka ayaa soo dhaweeyay, go’aankii  Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooblee iyo Madaxda maamullada Galnudug iyo Hirshabeele  diidmadooda ku aaddan muddo kororsiga

      Qoraalka ayaa lagu yiri “

Waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya inay si deg deg ah u kulmaan, si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay, lana qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17.”

Maraykanka ayaa Ugu dambeyntii ugu baaqay dhinacyada Soomaalida in  ay ka shaqeeyaan soo celinta Amniga iyo Xasiloonida dalka .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com