Dawlada Mareykanka ayaa madaxda Dawlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada ugu baaqay in ay si deg deg ah wax uga qabtaan jahwareerka siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay xarunta Safaaradda Mareykanka uu ku lee yahay Muqdisho ayaa loogu baaqay Madaxweyne in heshiis uu la gaaro madaxda Dowlad Goboleedyada, si doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha loo qabto.
Mareykanku wuxuu ku taliyay in madaxda Federaalka iyo maamuln Goboleedyada ay xal ka gaaraan khilaafka siyaasadeed ee ragaadiyay qabashada doorashada , taas badalkeedana ay ka shaqeeyaan danta shacabka.
Mareykanka ayaa tilmamay khilaafka siyaasadeed in uu keenay horumar la’aan niyad jab leh oo ku saabsan dagaalka Al-shabaab, horumarinta amniga iyo wax ka qabashada masiibooyin kale oo halista ah
Qoraalkaan ka soo baxay safaarada maraykank ee soomaaliya ayaa u muuqda mid lagu cadaadinaayo madaxweynaha waqtigiisa uu dhammaaaday ee Farmaajo iyo Madaxda Dawlad goboleedyada ay qabtaan doorasho deg deg ah si dalka uusan u gelin xasilooni darro siyaasadeed ee dalka ka dhalata.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com