Maraykanka oo ka hadlay dhismaha Hay,adda duulista Rayidka Soomaaliya

Safiirka  Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Donald Yukio Yamamoto waxa uu bogaadiyey Tallaabada lagu dhisay Hay’adda Duullimaadka Rayidka ee Somalia.

Hadal-qoraal oo lagu soo daabacay Barta Twitter-ka ee Safaaradda Maraykanka ku leedahay Somalia ayaa lagu waxaa kaloo lagu soo dhaweeyey Maareeyaha Cusub ee Hay’adda Duullimaadyada Rayidka, Axmed Macallim Xasan.

Qoraalka Safaaradda Maraykanka waxaa kaloo lagu xusay inay diyaar u yihiin inay Maareeyaha Cusub ee Hay’addaasi kala shaqeeyaan Hagaajinta iyo Horumarinta ee Waaxda Gaadiidka Hawada ee Somalia.

dhawaan  ayuu Madaxweyne Farmaajo waxa uu qalinka ku duugay Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka Somalia, wuxuuna Maareeyaha Guud ee Hay’addaasi u magacaabay Axmed Macallim Xasan oo horey u ahaa Ku-simaha Maareeyaha Hay’addaasi, tan iyo sanadkii 2018-kii.