Maraykanka oo ka digay Banaan baxa beri ka dhacaya Muqdisho

Mareykanka ayaa uga digay Muwaadjiniintiisa inay beri oo jimco ah  Jimcaha ka ag dhowaadaan Halka Mucaradku ay qorsheeyen in dibad bax ay ku qabanayan ee Taal Daljirka Daahson

War Qoraal ah oo  kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay “dhibaatooyinka ka dhalan kara dibadbaxa rabshadaha wata iyo kacdoonka shacabka, muwaadiniinta Mareykanka waa inay ka dheeraadaan dibad-baxyadan iyo dhaq-dhaqaaq kasta oo dibad-baxa la xiriira.”

Sidoo kale Maraykanka ayaa muwaadiniintiisa  in ay ka fogaadaandibad baxa , lana  socdaan wararka warbaahinta gudaha, kana durkaan goobaha dadka badan oo aysan is-muujin, ayna gacanta ku haystaan baasabooradooda si ay u u tusi karaan haddii loo baahdo.

Hadalkaan Digniinta ee ka soo baxay Safaarada Maraykanka ee Muqdisho ayaa ku soo aadaya xili mucaaradka maalinta beri ah ay qorsheynayaan dibadbax balaaran oo ay doonayaan in ka dhigaan taalada Daljirka Daahson balse Dawlada ay diiday isu imaatinka Dadka badan madaamaa lagu jiro xili uu dalka saameyn ku leeyahay cudurka safmarka ee Caronavirus.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com