Maraykanka oo duqayn ku dilay xubno ka Tirsan Alshabaab

Taliska Mareykanka ee Africom oo kaashanayo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya  ayaa qaaday duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xarun ay leeyihiin al-Shabaab oo ku taal gobolka Jubada Hoose.

 

.Qiimeyntii ugu horreysay ee laga soo saaro weerarkaan oo dhacay 24kii bishaan ee shalay ayaa lagu sheegay in waxyeello loo geystay xubno ka Tirsan  Al-Shabaab , qalab ay wateen iyo xaruntii ay daganaayeen.

Taliska ayaa sidoo kale qiimeyn uu sameeyay ku sheegay in aysan jirin waxyeello soo gaartay dadka rayidka ah,waxayna intaa ku dareen in ay  socdaan dadaallo  lagu doonayo in lagu carqaladeeyo howlaha cadowga isla markaana cadaadis lagu saarayo Al-Shabaab.

 

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika  ayaa lagu xaqiijiyay la sii wadi doono  la shaqeeynta la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo kuwa Afrikaanka ah si loo hubiyo amniga muddada-dheer ee Soomaaliya ee ay ku shaqeynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

 

Taliska Mareykanka ee Africom wuxuu ballan-qaadayaa inuu la shaqeynayo waddamada Bariga Afrika si uu gacan uga geysto damaanaqadka  xasillooni siyaasadeed, mid dhaqaale, iyo mid bulsho oo   gobolka ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com