maraykanka oo duqayn ka fuliyay gobolka baay

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika oo loo yaqaanno AFRICOM ayaa warbixin ka soo saaray duqeyn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen degaanka Buula Fuulaay ee Gobolka Baay.

Qoraalka ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 27-kii Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah la beegsadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa  degaanka Buula fuulaay ee Gobolkaasi Baay.

AFRICOM ayaa Qoraalka ku sheegtay in ay duqeynta ku dileen laba Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab balse aysan dadka rayidka ah ee degaanka ku nool wax Khasaare ah ka soo gaarin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda xaqiijisay in duqeynta halkaas ka dhacday lagu dilay laba xubnood oo ka tirsana Al-shabaab islamarkaana aan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka shacabka ah.

Dhinaca kale shabaab oo duqeyntaas ka hadlay ayaa Maraykanka ku eedaysay in uu duqeynta Buula Fuulaay ku dilay laba qof oo shacab ah ee aysan jirin Shabaab ku dhintay.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com