Maraykanka o Kenya ka hor istaagaya in ay xirto Xeryaha Qaxootiga

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Washington ay Kenya ka caawiso sidii ay u sii wadi lahayd marti galinta qaxootiga ay Soomaalida ku jiraan.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyay in sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya uu Mareykanka siiyay Kenya lacag dhan $106 milyan oo doolar, taasoo qeyb ka ah dhaqaalaha lagu bixiyo qaabilidda dadka magangalyo doonka ah.

Hadalkan ayaa yimid xilli ay dhawaan Kenya ku dhawaaqday inay albaabbada isugu dhufaneyso xeryaha dhadhaab iyo Kaakuma oo hoy u ah boqollaal kun oo kasoo barakacay colaadaha waddamo ka tirsan Afrika.

“Xuquuqda bani’aadanka waa muhiimadda koowaad ee siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka uu adeegsado. Mareykanku wuxuu bixiyay ku dhawaad $106 milyan si loogu ilaaliyo qaxootiga laguna gargaaro howlaha bani’aadannimada taasoo uu ku caawiyay Kenya maadaama ay hoggaamiso dalalka gobolka ee martigaliya qaxootiga iyo magangalyo doonka kasoo jeeda Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Itoobiya iyo meelo kale.” Ayaa lagu yidhi bayaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka ee Kenya, Fred Matiang’i ayaa shaaciyay qorshaha ay dowladdiisu ku dooneyso in si deg deg ah ku xirto xeryahaas kaddib markii uu sheegay in ay halis ku yihiin amniga waddankiisa.

Hase yeeshee Mareykanka ayaa sheegay in uu Kenya gacan ka siiyo dhinaca amniga, sanad walbana uu ku taageero lacag dhan $17 milyan si loogu bixiyo howlaha la dagaallanka argagixisada. Lacag kale oo gaareysa $1 milyan ayuu Mareykanku sheegay inuu sanad kasta Kenya u siiyo si ay ugu kabto dhaqaalaha ku baxa tababarista iyo wax baridda ciidamadeeda difaaca.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com