Mamulka Puntland oo Xukumay Koox Burcad ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal Puntland ayaa xukun ku riday Dhalinyaro Dadka ku dhici Jiray Mindiyo Magaalada Garoowe iyo kuwo ka Ganacsan jiray Maandooriyaha Xashiishka oo Ciidamada Boolisku howlgallo ku soo qabteen.

Ciidamada Booliska oo ku guda jira howlgaladooda ayaa dhawaan Dhalinyaradan gacanta ku soo dhigay, iyaga oo dhac geysanayay, waxaana  Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku riday xukuno kala duwan oo u badan xarig.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa Sheegay in sidoo kale ay hayaan kuwo kale oo qaarkood lasoo qabtay iyagoo hub iyo maandooriye gacanta kula jiray.

Taliye Xusseen ayaa sidoo kale sheegay in kuwo kalana ay xogtooda hayaan Ciidamaduna ku daba jiraan isaga oo xusay in cidii lagu qabto falalka noocan oo kale ah in sharciga la horgayn doono Bulshadu siday u baratana la soo bandhigi doono Wajiyadooda.

Xukunkaan ay riday Maxkamadda Gobolka Nugaal ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay Shacabka Magaalada Garoowe ay ka cabanayeen Kooxo hubeysan oo xilliyada habeenkii dhac u geeysanaya.