Maleysiya oo yeelatay Ra,isul Wasaare cusub kadib iscasilaadii Mohathir.

Kuala Lumbur, Dalka Malaysia ayaa yeeshay Ra,isul wasaare Cusub kadib wax ka yar isbuuc is casilaadii Ra,isul wasaarihii hore Mohathir.

Muhyiddin Yassin Ayaa loo doortay Ra,isul wasaaraha cusub ee maleysiya.

kadib doorashadiisa Muhiaddin ayaa balan qaaday in uu taageero ka raadsan doono Baarlamaanka.

Sidoo kale Ra,isul wasaaraha cusub ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumaddiisa si adag ula dagaalami doonto musuq maasuqa sida hadalka u dhigay.

Ra,isul wasaarihii hore Mohathir Mohamed ayaa isbuuci hore xilka iska casilay kadib qalalaase weyn ee uu wadanku galay.

Xafiiska Wararka, Muqdisho.

Info@aragticusub.com