Maleeshiyo ka soo horjeeda Maamulka Cusub ee Hirshabeele oo la wareegtay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee M/Baladweyne

Maleeshiyo ka soo horjeeda maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa saaka la wareegay koontarool ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baledweyne.
Barta koontarool oo ay maleshiyadaan la wareegeen ayaa aheyd bar ay canshuurta ugu qaadi jireen ciidamada Booliska Baledweyne Gadiidka ka shaqeeya magaalada Baladweyne iyo kuwa soo galaya waxaana si nabad ah saaka koontaroolkaasi ula wareegay Maleeshiyo Beeleed la magac baxday Samata Bixinta Hiiraan.
Afhayeen u hadlay maleeshiyadaasi oo lagu magacaabo Shaafici Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in si nabad galyo ah saaka ula wareegeen gacan ku heynta barta Koontarool ee canshuuraha, sidoo kalana ay ciidamadoodu ku hareersan yihiin garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.
Waxa uu intaasi ku daray Afhayeenka ciidamada maanta soo galay gudaha magaalada Baledweyne lana wareegay goobo muhiim ah in aay ka dambeyso warar sheegaya in lagu wado inuu maanta soo gaaro Baledweyne madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo ay ka soo horjeedaan imaashahiisa Baledweyne.
Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa cabsi xooggan ka qaba in lagu dul dagaalamo
Dhinaca kale maamulka gobolka Hiiraan wax war ah oo kasoo baxay ma jiro oo ku saabsan ciidamadan hubeysan ee saaka la wareegay fariisimo muhiim ah oo ku yaala afaafka hore ee garoonka diyaarahada Baledweyne.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com