Maleeshiyo Dad shacab ah ku dishay gobolka Galgaduud

Wararka ka Imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya  in kooxo hubeysan ay Dad shacab ah oo gaari saarna  ku dileen Wadadau dhexeysa Cadaado iyo Gelinsoor

Maleeshiyo Hubeysan ayaa wadada u galay gaari jaad ka keenay Dalka Itoobiya kuna sii jeeday degaano kale oo ka Tirsan gobolka Galgaduud

Inta la Ogyahay 2 Ruux oo ka mid ahaa Dadkii gaariga saarnaa ayaa geeriyooday lamina soo sheegin Dad ku dhaawacmay Falkaasi

Xiisado ayaa haatan ka taagan goobta lagu dilay Dadkasi shacabka ahaa iyadoo ay baxsadeen maleeshiyada dil ka dambeysay

Gobolka Galgaduud ayaa muddooyinkii dambe Waxaa ku soo kordhay dilakka ay geysanayaan kooxaha maleeshiyaadka ah ee cidna aan ka amar qaadan.

Dhinaca kale Maamulka Galmudug ayaa lagu Eedeeyay in aysan waxba ka qaban dhibaatooyinka ay Dadka shacabka ah u geystaan kooxaha hubeysan ee Maleeshiyaadka ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com