Wararka Imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo maleeshiyo Beeleed ah ay xirteen wada u dhexeysa degmooyinka Matabaaan & Guriceel oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan & Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in uu Hakad ku timid isku socodka Gaadiidka Xamuulka ee isaga kala goosha gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Maleeshiyaadka Xirtay wadada y dhexetsa Guriceel iyo Matabaan ayaa ka soo jeeda degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan .
Lama oga illaa hadda sababta Maleeshitada ay u xirteen wadadaasi mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.