Majaajilistihii caan ka ahaa Sooraan oo ku geeriyooday Magaalada Burco

Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Burco ku geeriyooday Majaajiliiste Sooraan Ismaaciil Sugulle.
Marxuumka wuxuu sidoo kale ahaa Abwaan iyo jilaa ay Soomaalidu aad u daawan jireen muuqaalladiisa.
Sooraan wuxuu caan ku ahaa sheekooyin ay inta badan isla soo jili jireen Abwaan Jawaan oo ay saaxiibo ahaayeen.
In muddo ah ayuu abwaanku xanuunsanaa, waxaana dhowr jeer oo hore si been abuur ah loo shaaciyay inuu dhintay.
Waxaa la sheegay in Sooraan uu ku dhacay cudurka safmarka ah ee Covid-19, kaasoo la sheegay inuu u geeriyooday
Marxuum Sooraan ayaa lagu aasay khabuuro ku yaala Magaalada Burco
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com.