Mahdi Guuleed oo sheegay in dawlada Soomaaliya ay ku kalsoon tahay Go’aanka Maxkamada ICJ ee la xiriira Murunka Badda

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay dhagaysiga dacwada badda Soomaaliya . ayaa sheegay in Soomaaliya lagu soo xadgudbay oo Kenya ay doonayso in badda soomaaliya ay ku qaadato si sharci daro ah, taas badalkeeda dadka Soomaaliyeed ay kalsooni ku qabaan Maxkamada ICJ.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inay ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya, isagoo xusay in maxkamaddu ay siisay Kenya waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhagaysiga.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu sheegay inay donayaan xad rasmi ah oo u dhexeeya labada waddan in loo sameeyo.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya aysan marnaba codsan in dib loo dhigo Maxkamadda laakiin Kenya ay codsatay saddex jeer oo Maxkamaduna ay ka aqbashay, taasina ay muujinayso in sharciga lagu kala baxo aysan diyaar u aheyn.

Mudane Mahi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale tilmaamay in Kenya xataa ay hareermartay sharcigii u yaallay Maxkamadda oo aysan soo horjoogsan, iyadoo laga aqbalay in saddex jeer dib loo dhigo.

Intaasi kaddib waxaa bilaabatay in Qareenada Soomaaliya u doodaya ay bilaabaan hadal jeedintooda ku aadan caddeymaha ay ku difaacayaan Soomaaliya.

Miiska loogu tala galay in ay fadhiistaan ergada ka socoto Kenya ayaa ah mid maran , maadaama aysan soo xaadirin oo ay shalay sheegeen inay ka baxeen.

Dowlada Kenya ayaa diiday inay ka qeybgasho dhagaysiga dacwaddan maanta sida rasmiga ah uga bilaabatay Maxkamdda Caddaaladda Adduunka, hase yeeshee Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay inay sii waddo dacwadda maadaama Soomaaliya ay diyaar u tahay inay furto dacwadeeda.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com