Mahdi Guuleed oo kulan la yeeshay Gudigii Doorashooyinka Heer Federaal

R/W  Ku-xigeenka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan afur ah la qaatay  madaxdii guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahad celiyay dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood ahayd ee ay shaqaynayeen.

Gudiga doorashooyinka Heer Federaalka ayaa u muuqda mid Hawshooda ay soo gaba gabooday ka dib markii horaantii bishaan Apriil ay Xildhibaanada Muddo xileedkoodu dhamaaday ay muddo kordhin laba sano ah ay u samaeeyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Hay,adaha kale ee Dawlada .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com