Aroornimadii shalay oo Arbaco ahayd ayaa waxay Diyaarad nooca Qumaatiga u Kaca ay ku burburtay Degmadda Brovary ee duleedka Caasimadda dalkaasi ee Kyiv.
9 qof oo la socday Diyaaradda burburtay iyo 8 qof oo dhulka joogay ayaana ku dhintay Shilkaasi, iyadoo ay 25 kalena ku dhaawacmeen.
Mas’uuliyiintii Dowladeed ee Shilkaasi ku dhintay waxay kala ahaayeen:
▪︎ Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Denys Monastyrsky oo 42 jir ahaa,
▪︎ Ku-Xigeenkiisa Koowaad, Yevheny Yenin oo 42 jir ahaa,
▪︎Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Yuriy Lubkovich oo 33 jir ahaa