Madaxweynyaashii hore ee Dalka Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo degay Hotel u dhow Taalada Daljirka

Madaxweynayashii hore ee Soomaliya Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud oo degay Hotel Nasahanlood2 una dhow Taalada Daljirka Dahson ayaa Halkaasi ka bilaabay Abaabulka Dibad Baxa maalinta beri ah ka dhici doona Magaalada Muqdisho

Ciidamo  badan oo aad u hubeysan  ayaa ilaalo ka haaya Hotel Naasahablood2 oo labada Madaxweyne ay degan yihiin.

Hotelka ay dageen sheikh shariif sheikh Axmed iyo Xasan sheikh maxamuud oo labaduba Madaxweynayaal ka soo noqday ayaa waxaa ka agdhaw laba check pointoo fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada Dawlada Federaalka gaar’a haan kuwa ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.

Musharixiinta Mucaaradka ah ayaa hore u shaaciyay dibadbaxa ay ka dhigayaan Magaalada Muqdisho uu yahay mid ay si toos ah uga soo horjeedaan Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com