Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan yeeshay

Madaxweyn ihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay la yeeshay  Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka oo ka dhacay Guriga Sheekh Shariiif ayaa ahaa mid Albaabada ay u xirnaayeen, waxaa looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya .

Sheikh shariif iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen Muddo kororsiga  waxaana taliyaha ciidanka xoogga dalka laga dalbaday in aan ciidanka xoogga dalka loo adeegsan caburinta Dadka shacabka iyo siyaasiyiinta.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com