Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh oo cambaareeyay dadkii lagu dilay Boondhere

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay dadkii Shacabka ahaa ee Ciidanka Booliska ay xalay ku dileen degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in Bandowga dowladda Soomaaliya ay soo rogtay Muqdisho uu culeys ku yahay dadka kunool Caasimadda.

War uu saaray Sheekh Shariif ayaa siddaan u qornaa:

Ugu horeyn waxaan cambaareyneyna falkii sharcidarada ahaa ee dad shacab ah booliska ugu dileen Magaalada Muqdisho, waxaana ku baaqaynaa in askartii ka dambeysey falkaas, iyo cidii amartayba sharciga la horkeeno cadaaladana lamaroyo.

Marka labaad waxaan horey uga dignay in waqtiga bandowga uu culees ku yahay dadka Muqdisho oo horey ugu dhibanaa wadooyinka laga xirey, innaga oo ku talinay in ilaa 9:00 PM ilaa 10:00 PM habeennino dib loo dhigo bandowga, waxaana markale ku baaqaynaa in xilligaas laga dhigo maadaama aan aragno dhibaatada ka dhalatay waqtigii hore.

Ugu dambeyn waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dadkii sida sharci darrada ahaa loo dilay oo aan leenahay samir iyo iimaanna allaha idinka siiyo dadkii ladilayna qabriga Allaha u waasiciyo.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com