Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheekh Axmed Kana mid ah Midowga Mushariixinta madaxwaynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Midowga Musharixiinta aysan Aqbali doonin Muddo Kororsi uu sameeyo Madaxwayne Farmaajo.
“Mushariixintu waxay ka xun yihiin in wakhtiga dawladda uu dhamaaday iyadoo aan doorasho dhicin ama aan laguba heshiin Habka doorashada iyo Wakhtiga ayuu yiri shekh shariif shekh Axmed.“
“Waxay Sidoo kale Waxa uu sheegay sheikh shariif shekh Axmed in ay ahayd in Musharixiintu ay Qayb ka noqdaan Wadatashiga Xalinta Khilaafka ka jira Habka doorashooyinka, Sidoo kale waxaaan laga qayb gelin dad badan oo Mudan inay Qayb ka noqdaan sida Gudoonka Aqalka sare Ayuu hadalkiisa raaciyay shariif shekh Axmed “
“Hadii uu dhamaaday Muddo Xileedkii Dawladda Soomaaliya, oo Madaxwaynaha Wakhtigiisa ay saacado inaga xigaan, Wax walba oo loo qaadayo Hanaanka doorashada waa inuu noqdaan Heshiis Siyaasadeed oo ka turjumaya Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed, Dawladda waxay ku dhisan tahay sharci iyo wakhti waana soo dhamaadeen ayuu yiri.”
Midowga Musharixiinta Marbana ma Aqbali doonaan Muddo Kororsi , waana in tallaabo kasta oo la qaadayo ay ka timaado wadatashi iyo wadar ogol” Ayuu yiri Sheikh Shariif.
Hadalkaan ka soo yeeray shariif sheikh Axmed Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo uu ku egyahay 8 bishaan Febraayo xiligaasi oo ah waqtigii la doortay Madaxweyne Farmaajo
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com