Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, sida ay warbaahinta Aragticusub u xaqiijiyeen xubno ka Tirsan Ehelka Marxuum Cali Mahdi oo ku sugan Magaalada Nairobi

Wararka au heleyso Warbaahinta aragticusub ayaa sheegaya  in Cali Mahdi Maxamed uu Muddooyinkii la soo dhaafay ku xanuunsanaa magaalada Nairobi Islamarkaana Isbitaal  lagu daaweeynayay, oo uu isbital ku jiray.

Cali Mahdi Maxamed ayaa Madaxweynaha Soomaaliya  loo  doortay Markii ay bur burtay dawladii Dhexe ee militariga ahayd oo uu madaxweynaha ka ahaa Jenaraal Maxamed Siyaad Barre

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com