Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak oo geeriyooday

Qaahira, Madaxweynahihii hore ee Dalka Masar Mohamed Xusi Mubaarak ayaa goordhaw geeriyooday.

Xusni Mubarak ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Warbaahinta gudaha wadankaas ayaa ku waramaya in Mubaarak mudooyinkii ugu dambeeyay xanuunsanayay isla markaana qaliino dhowr ah galay.

Xusni Mubarak ayaa wadanka xukunkiisa la wareegay 1981, Waxaana xilka laga tuuray kadib kacdoonkii carabta ee Masar ka curtay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com