Madaxweynihii Dalka Tanzania oo geeriyooday

Madaxweynihi Taanzaaniya John Pombe Magufuli ayaa ku geeriyooday magaalada Daarusalaam.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Taanzaaniya Samia Suluhu Hassan ayaa xaqiijisay geerida madaxweynaha xilli ay tabin toos ah warbaahinta qaranka dalkaasi uga jirtay.

Madaxweyne ku xigeenka waxay sheegtay Mr Magafuli inuu wadna xanuun u dhintay Arbacada saacaddu markay ahayd 6-dii makhribnimo.

Waxayna intaa ku dartay inuu madaxweynaha ku geeriyooday isbitaalka Mzena ee ku yaalla caasimadda ganacsida ee Darusalaam, isaga oo xaalad caafimaad darro ee isbitaalka loo dhigay ay haysatay 10-kii sano ee ugu dambeeyey.

Madaxweynaha ayaa xanuunsaday 14-kii March kaddibna waxaa la dhigay isbitaalka uu haatan ku geeriyooday iyada oo ay da’diisuna ahayd 61 jir.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com