Madaxweyne Xasan Sheekh: Wixii dhibaato ah ee ka dhashay dagaalkii laygu soo qaaday Farmaajo ayaa qaadaya Mas’uuliyadeeda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in gurigiisa ay shalay galab weerar ku soo qaadeen ciidamo ka amar qaata madaxweyne Farmaajo.

Qoraal  oo uu soo dhigay bartiisa Face buugga , ayuu ku sheegay in ciidamo amar qaata  Villa Somalia ay weerar la beegsadeen hoygiisa Muqdisho, balse ma sheegin faah faahin intaasi ka baxsanoo la xiriira khasaaraha weerarka ka dhashay

“Waxa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khatarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka. Mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka digay in la siyaasadeeyo amniga , haddii sidaas dhacdana dhibaatada ka dhalata uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweyne Farmaajo.

Warkaan ka soo baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo ka soo baxay Madaxweyne Xasan sheikh ayaa ku soo beegmaya ka dib markii shalay isgoyska marinaayada israsaaseyn xooggan ay ku dhexmartay ciidamo ka amar qaata dawlada Soomaaliya iyo ciidamada ilaalada u ah madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan sheikh

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com