MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY ERGAY GAAR AH OO U QAABILSAN XASILLINTA IYO ILAALINTA ARRIMAHA RAYIDKA

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

Madaxweynaha oo mudnaanta koowaad siinaya qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga saarayo Al shabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada Qalabka Sida ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Mudane Maxamed Cabdi Waare in uu xaqiijiyo gudashada waajibaadkiisa Qaran si looga fogaado in dhibaato ay soo gaarto dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada, isagoo ku booriyey in uu ka shaqeeyo sidii ay deegaannada laga saaray Alshabaab u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho oo dhammeystirin.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com