Madaxweyne Xasan sheekh oo ku Eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in dalka uu geliyay xaalad Mugdi ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku shaaciyay in Madaxweyne Farmaajo uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi u horseedi karta Mustaqbalka Dalka .

Xasan sheikh ayaa sheegay in  Farmaajo uu ku guuldareystay in doorasho uu qabto sidoo kalena xaalad hadda Dalka uu ku jiro  isaga uu mas,uul ka yahay.

Qoraalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheikh ayaa u qornaa sidaan”

Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka”

Xasan Sheikh wuxu sheegay in Soomaaliya ay leedahay Shacab iyo Hal-door samata-bixin kara xaaladda adag ee dalku galay waxaana uu ku baaqay xasilooni iyo aragti-wadaag.

Soomaaliya waxay leedahay shacab & haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni & aragtiwadaag” ayuu sii raaciyay Hadalkiisa Madaxweyne Xasan sheikh

Warkaan qoraalka ah uu Bartiisa Face buugga soo dhigay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa ku soo aadaya Xilli maanta uu ku egyahay Muddo xileedka Madaxweyaha Dawlada Federaalka Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com