Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in laga qayb qaato gurmadka Dadkii ku waxyeeloobay Dhul gariirkii Turkiga

 

Muqdiaho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Jamaacada Salaadda Jumcaha ku oogtay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Fedreaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku doonayaan in ay ugu gurmadaan dadka waxyeeladu kasoo gaartay dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga.
Madaxweynaha oo xusay in dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ay saarantahay mas’uuliyad ka duwan tan dowladaha iyo shucuubaha kale ee dunida kaga aaddan musiibadan ayaa ka dalbaday qurba-joogta, ganacsatada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in aysan u kala harin taakulaynta walaalaha Turkiga ee musiibadu ku habsatay.