Madaxweyne Xasan sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Dr. Camalow

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Alle ha u naxariistee, Dr. Cali Cabdi Camalow.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku u ahaa shaqsi wadani ah oo door weyn ka qaatay dib u habeynta dhaqaalaha dalka iyo u qareemidda horumarka iyo dib u dhiska dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey qoyska iyo ehellada uu ka baxay Dr. Cali Cabdi Camalow, isaga oo Alle uga baryay in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa.

DHAMMAAD