Madaxweyne Xasan Sheekh oo jeediyey khudbada sanadka cusub

Muqdisho: Madaxwaynaha dowladda Fedraalka ee Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka warbixiyay halka uu marayo howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxwaynaha oo jeediyay khudbad uu ugu tala galay sanadka cusub, ayaa waxaa ku sheegay in howl gallada ay marayaan meel wanaagsan, uuna rajeynayo in sanadkan 2023-ka uu Soomaali u noqdo mid barwaaqo u horseeda.

Madaxwaynaha ayaa dhanka kale sheegay in dowladiisa ay waddo qorsho ay amniga dalka ugala wareegayso ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Waxaa uu tilmaamay inay ka go’an tahay in amniga dalka ay kala wareegaan Atmis dabayaaqada sanadka 2024-ka.