Madaxweyne shariif sheekh Axmed iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe

Madaxweynihii hore DKMG ahayd ee ย Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah midowga musharixiinta ย ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xaruunta maamulka Puntland.

Sheekh Shariif iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa lagu dhaweeyay garoonka magaalada Garoowe waxaana soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo xubno ย ka tirsan maamulka Puntland.

Wafdiga uu hor kacayo Shariif ayaa waxa kamid ah Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, kuwaasi oo ka qayb galaya shirka Madasha aragti wadaaga Machadka Heritage, oo markii u horeysay lagu qabanayo magaalada Garoowe

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com