Madaxweyne Qoor Qoor oo Xaflad Sagootin ah u Sameeyay Xulka Kubada Cagta Galmudug

Madaxweynaha  Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa Xaflad sagootin ah magaalada Dhuusamareeb Ugu xulka kubadda cagta Galmudug oo ka qeyb-gali doona  tartan Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa kulankani casho sharafta ah ku wehlinayey Masuuliyiin ka tirsan Dawlada federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedka Galmudug,

Madaxweynaha Galmudug xafladasi ka dib la dardaarmay xulka kubadda cagta  Galmudug kuna dhiirigeliyey iney guul wax ku ool ah ka gaaraan tartanka ciyaaraha Maamul goboleedyada dalka ee dhawaan ka furmaya magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ciyaaraha Galmudug oo kaashanaysa xiriirka kubadda cagta galmudug ayaa dib u habeyn balaaran ku sameysay xulka kubadda cagta Galmudug  oo tabarbar ku qaatay garoomada Cayaaraha ee Galmudug.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com