Madaxweyne Qoor Qoor oo Gudi u saaray kiiska Sheekh lagu dilay Gaalkacyo

Madaxweynaha Maamulka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Gaalkacyo ayaa guddi u saaray dilkii Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo todobaadkii hore lagu dilay meel ka baxsan magaalada Gaalkacyo.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu magacaabay guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Sheekh Cali Dheere oo ka tirsanaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray gobolka Mudug.

Guddiga madaxweyne Qoorqoor u magacaabay dilka Sheekh Cali Dheere oo ka kooban 7 xubnood ayaa kala ah:

  1. Avv Muumin Xuseen Cabdulaahi (Guddoomiye)
    2. Avv Cabdixakiin Maxamed Xirse (Guddoomiye kuxigeen)
    3. Saciid Maxamuud Jimcaale (Xogheyn)
    4. G/Dhexe Maxamuud Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin)
    5. X/LE Ciise Axmed Cali (Xubin)
    6. Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin)
    7. C/risaq Khaliif Aaden (Xubin).

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maalmo ka hor warbaahinta dowladda ka baafiyay nin lagu magacaabo Cabdikariin Cabdisalaan Aadan, kaas oo warar aan la xaqiijin sheegayaan in lagu eedeynayo dilka Sheekh Cali Dheere.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com