Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Xaaf oo heshiis gaaray.

Dhuusa,Mareeb, Madaxweynaha Galmudug Ahmed Qoor Qoor ayaa la sheegay in wada hadal ka dib heshiis gaareen Madaxweynihii hore ee Galmudug Ahmed Gelle Xaaf.

Wada hadalkaan ayaa laga gaaray heshiis dhowr qodob ka kooban sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid oo la hadlay VOA-da.

Ali daahir ayaa ka gaabsaday in uu faah faahiyo Qodobada Heshiiska.

Balse waxaa uu xusay in Xaaf ka soo qeyb gali doono Caleema saarka Madaxweyne Qoor-qoor markaa wixi ka dambeeya la soo bandhigi doono qodobada Heshiiska.

Hadii arintaan dhab noqoto waxaa ay u muuqan doontaa in dowlada Awood badan kadib ku guuleysatay Maamul Galmudug ee taabacsan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com