Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan ku la yeeshay magaalada Muqdisho safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya Dr Aadan Xasan Aadan.
Madaxweyne Qoor Qoor iyo safiirka Jabuuti ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo xiriirka Jabuuti iyo Galmudug. sidoo kale waxa ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka iyo dadaallada loogu jiro dhameystirka arimaha doorashooyinka
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa tan iyo Markii uu ka yimid dalka Turkiga waxaa uu bilaabay kulamo dar dargelin ah oo uu la yeeshay Xubno ka Tirsan wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo Midowga Musharixiinta Mucaaradka ah.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com