Madaxweyne Qoor Qoo oo la kulmay Saraakiil ka Tirsan Hawlgalka AfriKom

Madaxweynaha Maamulka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor &  Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa kulan la yeeshay saraakiisha AFRICOM ee Saldhigoodu yahay magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa kala hadlay Saraakiisha Africom xoojinta howlgalka ka dhanka ah  Al-shabaab, isla markaana ay labo jibaaraan taageradooda howlgalada dhinacyada cirka iyo dhulka ah ee ciidamada Soomaaliyeed ay dalka ka wadaan.

Madaxwayne Qoor Qoor ayaa Taliska Africom ka dalbaday in Galmudug ay kala shaqeeyaan dib u soo kabashada dadka degaanka ee dhibaatooyinka ay u gaysteen  Alshabaab sidii loogu samayn lahaa adeegyada bulshada sida Biyaha, Caafimaad, Waxbarshada oo dhammaan ay burburiyeen Argagixisadu.

Saraakiisha Taliska Africom ayaa balan qaaday inay joogtaynayaan howlgalladda ka dhanka ahururka Alshabaab , waxayna ka mahadceliyeen wada shaqaynta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug kala dhexeysa, iyagoo dhanka kale tilmaamay inay garab taagan yihiin bulshada tabaalaysan ee reer Galmudug.

Taliska Maraykanka ee Africom ayaa ka mid ah saaxiibada dowladda Soomaaliyeed ka taageera la dagaalanka agagixisada iyo horumarinta adeegyada Bulshada meelaha laga saaro Alshabaab & Daacish..