Madaxweyne Putin oo ku goodiyay in dalkiisa uu ciqaabi doono cidkasta oo ku soo xadgudubta

Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin, ayaa waxa uu ka digay inuu si degdeg ah oo adag u wajihi doono dalkasta ee ku soo xadgudba waxa uu ugu yeeray “khadadka casaanka” ah, hasayeeshee ma uusan sheegin waxa uu ula jeedo khadadkaasi casaanka ah.

Khudbaddiisa sanadlaha aheyd ee uu qarankiisa u jeediyo ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli ay si wayn u sii xumaanayso xiriirkii uu dalkiisa la lahaa reer Galbeedka, isagoo dalalka kale ku eedeeyay inay Ruushka beegsanayaan, halka Moscow uu sheegay inay doonayso oo kaliya xiriir caalami ah oo wanaagsan.

Putin ayaa  khudbaddiisa waxa uu kaga hadlay arrimaha gudaha ee dalkiisa. Mr Putin ayaa waxa uu ku booriyay dadka inay qaataan tallaalka fayraska korona, waxa uuna ballanqaaday inuu xoojin doono dhaqaalaha soo gala, kaas oo uu waxyeeleeyay cudurka safmarka ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com