Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kulan kuala yeeshay Magaalada Hargeysa Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyey dowladda Federaallaka Soomaaliya dib u dhaca ku yimid wada-hadallada labada dhinac.
Kulankaaasi ayaa waxa kale oo madaxweynahaSoomaaliland ku wehlinayay xisbiyada mucaaridka, kuwaasi oo si wada-jir ah safiirka ugu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay dib u bilowdaan kulamadaasi oo ka furmi lahaa dalka Jabuuti.
Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya ay labo jeer usoo gudbisay cudur daar ay kaga baaqsaneyso dib u furista shirkaasi, Taasi oo meesha ka saartay balantii la iskugu soo hor fadhiisan lahaa miiska wada-hadallada,
Wada-hadallada Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee Tobaadka soo socda ka furmi lahaa dalka inkastoo aysan jirin muddo la cayimay ee la xiriirta qabsoomida shirkaasi
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com