Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo kulan la qaatay Gudiga doorashooyinka Soomaaliland

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu kulan la qaatay xubnaha Guddida doorashooyinka Somaliland, kulankaas oo diiradda lagu saaray habsami u socodka qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Ugu horrayn Guddida doorashooyinka qaranku waxay madaxweynaha Somaliland, warbixin ka siiyeen qaban-qaabada iyo hirgelinta hawlaha wakhtigan socda ee qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka oo maraya meel muhiima. Iyagoo xusay in hawlaha u diyaar-garawga doorashooyinku u socdaan sidii loogu tallo-galay, kuna qabsoomayaan xilligii hore la isula qaatay, idamka Alle.

Sidoo kale waxa kulankaas lagaga wada hadlay kharashaadka ku baxaya doorashooyinka iyo ilaa hadda wixii ku baxay, si looga diyaar garoobo arrimaha dhaqaalaha ee doorashooyinka ku baxaya.

Waxaanu madaxweynuhu ku bogaadinyey guddida doorashooyinka sida hagar la’aanta ah ee ay hawsha u wadaan, wuxuuna ku adkeeyay in doorashooyinku ku qabsoomaan muddadii lagu heshiiyey. Isagoo kula dardaarmay in masiirka ummadda iyo amniga qaranku dushooda saaranyahay, loona baahan yahay dedaal iyo xilkasnimo dheeraada inay iska saaraan hawlahaa miisaankooda iyo culayskoodaba leh ee ay gacanta ku hayaan.

Ugu danbayntii madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi waxa uu guddida doorashooyinka qaranka ugu duceeyey in Alle ku asturo hawlahaa culus ee ay qaranka u hayaan.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com