Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka naxay dilkii Jeneraal Galaal

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Ka hadlay Munaasibad lagu Qabtay Hargeisa ayaa ka Murugooday dhibaatada ka taagan Soomaaliya iyo Weerarkii ugu dambeeyay ka dhacay Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale Tacsi uga diray Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Jen. Galaal oo kamid ahaa dadkii lagu dilay Weerarkii lagu Qaaday Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

” Walaalayaal Soomaaliya dad waynu isugu xignaa oo Waa Soomaali ,   Waa Muslim dhibaatada gaadha way ina damqaysaa,  dadkooda iyo dawladooda dadka ugu dhow waa inaga, Waxaanu ka xunahay  maalinkasta dadka  dhimanaya”. Ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland

Warka ka baxay Muuse BiixiCabdi Madaxweynaha Soomaaliland  ayaa kusoo beegmaya kadib markii Weerar uu dhiig ku daatay Alshabaab ay ku qaadeen Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho, Halkaasi oo lagu laayay shacab Soomaaliyeed oo Waxba aan galabsan.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com