Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Amniga iyo Siyaasada Soomaaliland

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu mamnuuc ka yihiin siyaasadda, xukuumadiisuna ay arrintaas fulinayso.

“Shaqaalaha dawladdu hadduu ciidan yahay iyo hadduu shaqaale dawladeed yahay siyaasadda wuu ka reebban yahay, waana u dhex oo shaqadii qarankuu wadaa, sharcigaana sidaas ina faraya, waana aynnu ku dhaqmaynaa,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Madacweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa warkaan ka jeediyay shir ay shalay yeesheen Golaha Wasiiradda Somaliland oo looga hadlayay diyaargarowga iyo hirgelinta doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan 31-ka bishan May 2021.

Dhinaca Kale Madaxweyne  Muuse Biixi ayaa sheegay in ay hawlgeliyeen 11,000 askari oo ammaankooda sugaya 2,800 goobood oo ay ka dhacayaan doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka Somaliland.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Infp@aragticusub.com