Madaxweyne Museveni oo laga helay COVID-19

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa laga helay COVID-19, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka xalay, isaga oo intaas ku daray in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay, uuna sii wadi doonaa shaqadiisa inta lala tacaalayo.

“Madaxweynaha waxaa laga helay cudurka COVID-19. Tani waxay ahayd kadib markii ay soo baxeen astaamo u eg hargab fudud. Si kastaba ha ahaatee caafimaadkiisu waa wanaagsan yahay, wuxuuna ii si caadi ah u gudan doonaan waajibaadkiisa” ayay barteeda Twitterka ku sheegtay Diane Atwine oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda caafimaadka.

Horraantii Arbacadii, kadib markii uu khudbad ka jeediyay xarunta baarlamaanka, Museveni, oo 78 jir ah, ayaa tilmaamay inuu shakiga inuu ku dhacay COVID, isagoo sheegay subaxdii inuu dareemay qabow yar, taasoo ku kalliftay inuu codsado tijaabooyin COVID.

Intii lagu jiray masiibadii COVID, Museveni, oo qaatay tallaalka COVID, ayaa had iyo jeer lagu arki jiray fagaaraha isagoo xiran mask.

Ugu dambeeyntina  Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u jooga Galbeedka Balkans ayaa sheegay Arbacadii, in looga baahan yahay Kosovo inay madaxbanaani dheeraada siiso deegaanada ay ku badan yihiin Seerbiyiinta ee ku yaalla dhinaca woqooyi ee dalkaas, haddii ay rabaan inay u sii dhowaadaan ku biiritaanka isbahaysiga NATO iyo Midawga Yurub.

Rabshado ayaa ka dillaacay deegaanada ay ku badan yihiin Serbiyiintu, ka dib markii ay xukuumadda Kosovo ay xafiisyo ku yaalla deegaankaas ay xilka ku wareejisay maayaro ka soo jeeda dadka Albania, ka dib markii lagu doortay doorasho ka dhacday deegaankaas bishii April, hase ahaatee arrintaas waxaa aad uga cadhooday dadka Seerbiyaanka ah oo isu arka inay yihiin dadka u badan dhinaca woqooyi ee dalkaas.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com