Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Gudiga Farsamada ee shirka uu uga socdo Baydhabo

Madaxweynaha Maamukal Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga Farsamada ee dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ku sugan Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen  ayaa Guddiga warbixino kala duwan ka siiyay shirarkii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee looga hadlayay khilaafka doorashada iyo heerarkii kala duwanaa ee shirarka soo mareen.

Sidoo kale Lafta-gareen ayaaa Guddiga Farsamada ee shirka uga socda Magaalada Baydhabo kula dardarmay inay ka qeyb noqdaan sidii loo fulin lahaa heshiiskii 17-kii September 2020 laga gaaray doorashada.

Kulanka uu Laftagareen uu la yeeshay Gudiga Farsamada  ee Dawlada Federaalka ,Dawlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa ku soo adaya xlli gudigaasi shalay kulankii ugu horeeyay ay ku yesheen Baydhaba kaas oo ay bkaga arinsadeen doorashadaSoomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com