Madaxweyne Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminaayo uu lagu soo dhoweeyay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmuug.

Wafdiga Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa Garoonka magaalada Dhusamareeb  ku soo dhoweeyay Maadxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka qeyb galaya shirka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka furmaya magaaladaDhuusamareeb , kaas oo looga hadlayo Doorashooyinka Dalka .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com