Madaxweyne la afuri doona Barakacayaal

Madaxweynaha dalka Türkiye, Rajab Dayib Erdoğan ayaa la filayaa inuu dadkii ku barakacay Masiibadii Dhul-gariirka uu Caawa kala qeyb galo Afurka Maalinta Koowaad ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Madaxweyne Erdoğan waxa uu kala qeyb geli doonaa Muwaadiniinta ku barakacay Dhul-gariirkii ee ku nool Hobalka Kahramanmaraş Afurka maanta.
Wakaallada Wararka dalka Türkiye ee Anadolu News Agency ayaa sheegtay inuu Madaxweynuhu soo kormeeri doono Qaabka ay u socdaan Hawlaha Dib-udhiska iyo Nolosha caadiga ee dadkii ku barakacay Dhul-gariirkii ka dhacay dalkaasi bishii February 6-dii ee sanadkan.
Wakaallada Wararka oo soo xiganayo Ilo Xog-ogaal ah ayaa shaacisay in Madaxweyne Erdoğan lagu wado inuu bishan Ramadaan si joogto ah booqasho hawleed ugu tago Goballadda uu saameeyey Dhul-gariirka.
Dhanka kale, Xeryaha ay ku jiraan dadkii ku barakacay Dhul-gariirka ayaa waxaa loo diyaariyey 80 Teendho oo qaab Masaajid loo diyaariyey si ay ugu oogaan Salaada iyo inuu ku akhristaan Qur’aanka Kariimka.
Bishii la soo dhaafay ee February 6-dii, waxaa dalalka Turkiye iyo Syria ka dhacay 2 Dhul-gariir oo Halbeegoodu kala ahaa 7.7 iyo 7.6 Richter scale.
Goballada uu Dhul-gariirku ka dhacay Koonfurta dalka Türkiye Türkiye kala ahaa: Adıyaman, Kilis, Osmaniye, Gaziantep, Malatya, Şanlıurfa, Diyarbakır, Adana,Hatay iyo Kahramanmaraş.
Dad badan ayaa ku dhintay Masiibada Dabiiciga ee labada Dhul-gariir, waxaana ku burburay Dhismooyin fara badan.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka ee dalka Turkiye (AFAD) waxaa Dhul gariirkaasi ku dhintay in ka badan 47,000 oo qof, halka Kumanaan kalena lagu la’ yahay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com