Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo Muqdisho ku geriyooday

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maamulka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, ayaa saaka oo Khamiis ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Qoyskiisa.

Marxuum Cabdisamad Cali Shire, oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa Hargeysa, ayaa markii dambe loo soo qaaday Magaalada Muqdisho,  oo uu saaka ku geeriyooday.

Marxuumka ayaa xilal kala duwan Puntland ka soo qabtay, isagoo soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland Maamulkii Cabdiraxmaan Faroole ( 8 January 2009- 8 January 2014).

Xafiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub,com