Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shir ka daahfuray Garowe

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Madasha Wadatashiga ee ka hortagga Nafaqo darada.

Kulanka oo uu soo qabanqaabiyey mashruuca ka hortagga nafaqo darada ee Puntland, waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Agaasimeyaal guud iyo masuuliyiin kale.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay dadaal badan ku bixin doonta ka hortagga nafaqo darada.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyay howlaha la qabtay, waxaana uu masuuliyiinta ku shaqo leh barnaamijkan uu ku booriyay inay intaasi kasii dar-dar galiyaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com